Make your own free website on Tripod.com

ku soo dhawow website ka yuusuf yare {gasyare}

Home
Bogga wararka
Page Title
Page Title
Page Title
Page Title

Hogaamiyasha Muqdisho oo ku mashqulsan ciidan aruurin iyo Tikniko jarid cusub
Muqdisho
Hogaamiyasha Muqdisho ee hadda ah intood badan wasiirada ayaan maalmahan soo xadirin kulumada xubnaha labada gole ee dowlada kuwooda ku sugan Muqdisho kuwaas oo sida la sheegayo ku mashquulsan jarida iyo xirashada hub cusub oo aan horey loo arag ,arintaan ayaa ka yaabisay maanta mar uu booqday wariyaheena xeryaha hogaamiyasha qarkood kuwaas oo lagu arkayey tikniko cusub oo la diyaariyey iyo kuwa cusub oo la saarayo baabuur iyo ciidamo ku jiro diyaar garoow aan la ogeyn meesha ay ku wajahanyihiin .

Howshaan cusub ee laga wado Muqdisho ayaa ah mid diyaar garoow ah oo la doonaayo in looga hortago Col Cabdulaahi Yuusuf oo asaguna ku jiro diyaar garoowgii ugu danbeeyay uu ku qabsan rabo magaalada Muqdisho:

Dhaq dhaqaaqa labada dhinac ayaa ah mid aan u rooneyn shacabka Soomaliyeed ay dilatay dagaalada sokeye ,ayaa waxaa la hubaa in uu dhici doono maalmaha soo socdo dagaal faraha looga gubtay kasoo ay sheegayaan in uu isku badali doono dagaal qabiileyd kasoo sida la sheegay saameyn ku yeelan doono gobol badan oo hadda ah nabad

Dadka saadaaliyo arimaha milatariga ayaa sheegayo dagaalada hadda la abaabulayo in ay ka qasaro badnaandoonaan kuwii horey ugu dhici jirey Soomaaliya madaama ay hadda ku dagaalamayaan labada qole hub casri ah.

Ku soo dhawoow gaas yare

Shirkada Banadir oo ku lug yeelatay dajinta iyo ilaalinta gaadiidka militari ee u dagaya DFS garabka Jowhar

Mogadishu 11 Oct. ( Sh.M.Network) Shirkadda Banadir ee gacanta ku hesya dekedda Ceelmacaan ayaa la xaqiijiyay in ay ku lug leedahay ilaalinta qalab ciidan oo dowladda FS garabka Jowhar uga degaya dekedda Ceelmacaan ee duleedka dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta dekedda Ceelmacaan oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa ayaa Shabelle u sheegay in shirkadda Banadir ay adkeysay amaanka guud ee dekedda Ceelmacaan, taasoo uu sabab uga dhigay sidii ay qalabkaasi ciidan iyagoo bad qaba ay u tagi lahaayeen magaalada Jowhar oo haatan uu ku sugan yahay Madaxweyne C/laahi Yusuuf.

Waxa uu intaasi ku daray in dekedda Ceelmacaan ay soo gaareen Gudi ka socd Dhinaca magaalada Jowhar oo loo xilsaaray dajinta iyo hubinta qalabka ciidan ee markabkaasi u sida dowladda FS garabka Jowhar.

Inkastoo mas’ulkaasi uu sheegay in maamulka shirkadda Banadir ay la wareegeen amaanka iyo geeynta qalabkaasi ciidan marka laga reebo ayaa waxaa jira dhowr gawaari oo kuwa dagaalka ah oo horkici doonta qalabkaasi ciidan.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in sanaadiiqda qufulan qaarkood ay ku jiraan isgaarsiinta ay adeegsadaan ciidamada, isagoo sheegay in ay suurto gal tahay in qaar ka mid ah sanaadiiqda ay hub ku jiraan.

Gaadiidka wali dulsaaran markabka ayaa qaarkood la sheegay in ay gaashaaman yihiin, iyadoo xiliyada habeenkii oo kaliya la dajiyo,

Markabkaan oo 9 bishaan ku soo xirtey dekedda Ceelmacaan ayaa waxaa la sheegay in qalabka ciidan ee saaran ay dowladda Talyaaniga ugu deeqday dowladda FS garabka Jowhar si loo siiyo ciidamada Booliska ee dhowaan saraakiishooda tababarka ay ku soo qaateen dalka Uganda.


Nugaal Media Network, Garowe



 


ygaas33@hotmail.com


Enter main content here

Enter secondary content here

Enter supporting content here